Ururka nabad-doon oo Dhalinyaro u soo gabagabeeyey siminaar soconayey labo bilood.

Ururka Dhalinyarada soomaaliyeed ee nabad-doon youth alliance ayaa xalay magaalada Nairobi ku soo gabagabeeyey dood cilmiyeed soconaayey labo bilood oo ay u qabteen dhalinyarada soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Dood cilmiyeedka ayaa waxaa looga doodaayey sidii dhalinyarada soomaaliyeed ay oga qeyb qaadan karaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka soomaaliya iyo sidii dhalinyaradu ay oga foojignaan lahaayeen cunista muaqaadaraadaka iyo maandooriyaha.
Dooda oo aheyd mid socotay labo bilood ayaa waxaa ka soo qeyb galay 500-boqol oo dhalinyaro soomaali ah kuwaas oo kala yimid daafaha magaalada Nairobi.
Su,aalaha dooda ayaa waxaa ka jawaabaayey afar kooxood oo laga dhex xulay boqolaalka dhalinyaro oo ka soo qeyb galay dood cilmiyeedka waxaana loo kala bixiyey kooxaha samadoon iskaashato wadani iyo goldan.
Kooxa haan ayaa ka doodaayey sidii dhalinyarada soomaaliyeed ay oga qeyb qaadan karaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka soomaaliya iyo sidii dhalinyaradu ay oga foojignaan lahaayeen cunista muaqaadaraadaka iyo maandooriyaha.
Waxaa kaloo ayagana goobta ku soo bandhigay heeso wacyi galin ah oo ay la dhaceen dadweynihii dood cilmiyeedka ka soo qeyb galay qaar kamid ah fanaaniinta reer Nairobi.
 
Ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee nabad doon ayaa markaste isku howla wax u qabashada dhalinyarada soomaaliyeed asagoo mar kaste ka wacgilya wixii uu u arko in uu dhib ku dhex hayo dhalinyarada soomaaliyeed oo ay u baahan yihiin in laga wacyi galiyo.
Halkaan Ka Daawo Sawirada.





 




Feysal Aseyr Mohamed
(Caseer3@gmail.com)