Van Gaal oo diiday inuu ciyaar maskaxeed la ciyaaro Mourinho ka dib arrintii daafaca Luke Shaw

Manchester-United-Training-In-DenverTababare Louis van Gaal ayaa diiday inuu ka jawaabo ciyaar maskaxeedkii ugu dambeeyey ee Jose Mourinho ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Barclays Premier League.
Tababaraha Blues ayaa sheegay Jimcadii inuu daafaca dambeedka bidix ee United Luke Shaw xagaagaan kusoo biiri lahaa Chelsea haddii uusan ku xujeyn laheyn mushaar fara badan.
Isagoo Isbuucii mushaar ahaan u qaata 130 kun oo ginni 19 sanno jirkaan ayaa haatan ah da'yarka ugu mushaarka badan kubadda cagta caalamka.
Laakiin Mourinho ayaa soo jeediyey in haddii ay mushaarkaas siin lahaayeen Shaw ay taasi dili laheyd xasiloonida kooxdooda ee qolka lebiska.
Markii wax laga weydiiyey soo jeedinta tababaraha reer Portugal, macalinka cusub ee United Van Gaal ayaa tilmaamay inuu si weji ka weji ah ula hadli doono Special One bedelkii uu saxaafadda uga jawaabi lahaa.
"Jawaab ma hayo, ma filayo inay tahay inaan arrimahaan saxaafadda uga wadahadalno," ayuu tababaraha reer Holland ku sheegay shirkiisii jaraa'id ka hor kulanka caawa ay United kooxda AS Roma kula kulmeyso Denver. "Waxay arrintaani ku fiican tahay inaan kala hadlo Jose."article-2706095-1FF6756000000578-573_634x494 Read more about Van Gaal oo diiday inuu ciyaar maskaxeed la ciyaaro Mourinho ka dib arrintii daafaca Luke Shaw