Wafdi AMisom Ah Oo Beledweyne Booqday.

Beledweyne-(GMN) Wafdi ka socda Ciidmada Nabad ilaalinta midowgaa Afrika ee AMisom ayaa booqasho ku tagay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdigan ayaa waxaa uu ka koobnaa saraakiil ciidan oo kakala socda Dowlada Jabuuti, Uganda, iyo Burundi ayaa booqday xarumo kuyaalay Magaalada Beledweyn.
Goobha ay booqdeen waxaa kamid ah Saldhiga, Taliska Qaybta, Xabsiga, Cusbitaalka iyo goobaha barakacayaasha ee Magaalda kuyaala ayaga oo u kuurgalay xaalada ay goobahaasi ku suganyihiin.
Mid kamid ah Saraakiishaasi oo saxaafada la hadlayay ayaa ka warbixiyay ujeedada Safarkooda waxaana uu sheegay inay tahay sidi ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada deegaanadaasi.
Waa markii ugu horaysay oo Saraakiishan ay booqdaan Beledweyne waxaana halkaasi horay u joogay Ciidamo katirsan Nabad ilaalinta Amisom ee ka socda Dalka Jabuuti.
Magaalada Beledweyne waa goob muhiim u ah isku xirka gobolada Dalka Soomaaliya waxaana bilihii u danbeeyay gacanta kuhayay Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa Itoobiya, waxaana dhawaan booqasho ku tagay Wasiirka Wasaarada Arimaha  Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Abdinasir ALi
Gedoonlinenews@gmail.com