Xarakada Al-shabaab oo dhoola-tuskii ugu balaarnaa abid ka sameeyay magaalada Kismaayo ciidamo iyo gadiid dagaalna u diray degmada…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay dhoolatus ciidan kii ugu balaarnaa ay shalay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo bandhigeen hub iyo ciidan aad u faraban.
Sida warku sheegayo ciidamada dhoolatuska sameynayay oo intooda badan ay waddooyinka Kismaayo lug ku maray, halka kuwo kalena ay saarnaayeen gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay Xarakada Al-shabaab ka waddo gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ugu diyaar-garoobeyso dagaal sedex jiho uga soo wajahan gobolada Jubbooyinka, waxayna sheegeen inay ka go’antahay inay difaacaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ciidamadan dhoolatuska sameeyay waxaana la sheegay in ciidamadan uu dhawaan tababar ugu soo dhamaaday deegaano ka tirsan gobolad Jubbooyinka, halka warar kalena ay sheegayaan inay yihiin ciidamadii ka baxay qaar ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Banaadir oo ay dhawaan si rasmi ah ula wareegeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ciidamo ku dhow 1000-askari iyo 30-tikniko ah ay xalay u direen Xarakada Al-shabaab degmada Afmadow oo tuulooyin hoos yimaada ay shalay ku dagaalameen ciidamadooda iyo kuwa huwanta, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Afmadow ay sheegayaan in dagaal culus uu shalay ka dhacay deegaanka Xayo iyo tuulooyin kale oo ku dhowdhow, kaas oo u dhaxeeyay ciidmaada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah.
Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka Xayo, isla markaasna ay 17-km u jiraan degmada Afmadow oo uu sheegay inay tahay bartilmaameedkooda koowaad ee ay doonayaan inay dagaal kula wareegaan.
Dhinaca kale afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali dheere ayaa isna sheegay in magaalo la wareegisteeda aysan wax qeymo ah laheyn, balse la iska rabo sidii magaaladaasi looga tagi lahaa oo magaalo kale loo aadi lahaa, wuxuuna yiri mar uu arinkaasi ka hadlayey “Kuwa hadda ku sugan magaalooyinka B/weyne, Baydhabo, Muqdisho iyo Afgooye waad ogtihiin inaysan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn karin oo ay godoon ku yihiin meelihii ay qabsadeen”.
















