Xarakada Al shabab oo isaga baxay Deegaanka Ceelasha Biyaha
Muqdisho-hobyonet)-xarakada Al shabab ayaa isaga baxay Saacadihii ugu danbeeyay ee Maanta Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho kadib markii Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMSIOM oo wata Dabaabadaha Dagaalka ay u ruqaansadeen Deegaankaasi iyo Deegaanno kale oo ku yaalla Gobolka Sh/Hoose.
Gawaari badan oo kuwa dagaalka ah islamarkaan ay la socdaan ciidamo katirsan Al shabab ayaa lagu soo waramayaa inay u jahaysteen dhinaca Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay isagu geynayaan Awoodooda Ciidan.
Al shabab ayaa looga qabsaday fariismiyaal dhowra dagaalkii Shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgoyye,iyagoona maanta faarujiyay deegaano dhowra oo kamida meelaha loo barakacay ee gobolka sh/hoose
Deegaanadda ay la wareegeen Ciidamada dowladda KMG iyo AMISIOM ayaa waxaa kamid ah Kaxda, Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer Carbiska iyo Sabyo(Beerta Cali Mahdi) oo 10 Km u jirta Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeleeha Hoose.
Dhinaca kale waxaa hawada ka maqan Maanta Idaacadda Al-Andulus oo ku hadli jirtay Afka xarakada Al shabab ,taasi oo ku taallay Deegaanka Ceeslaha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Wixii war ah ee kusoo kordha Wararka dagaaaladda kala soco www.hobyonet.com
Recent Somali tweets
- 1 of 1548
- ››
