XIISAHA JAAMACADA IYO SANADKA HORE Wq.Ceelaabe

XIISAHA JAAMACADA IYO SANADKA HORE

Wq.Ceelaabe

 

waxa aad mooda in la gudo galay wakhtigii jaamacadaha wadanku ay dib u furmi lahayeen,waxaanad dareemi kareysaa diyaargarowga ay jamacado badan oo wadanka ku yaala ku jiraan ama qorsheyaasha ay ku talaabsadeen si ay kor ugu qaadaan heerka aqooneed ee jaamacadooda.sidoo kale waxa jaamacaduhu ku tartamaan kala qeybsiga ardeyda dugsiyada sare sanadkasta ka soo baxda ama dhammeysta ee jaamacadaha wadanka ku biiri doona.waxa aynu aragney muddadii ugu danbeysey qaar badan oo ka mid ah jaamacadaha wadanka gaar ahaan caasimada hargeisa oo qabtay xaflado qalin jebin dufcado ardey ah oo dhammeysatay waxbarashadii jaamacada heerka kowaad ee degreega,iyada oo saxaafada loo soo bandhigay munaasibadahaasi dhinac kalena u ahaa xayeysiis saxaafada u galaya iyo magac jaamacadaasi.waxaana sidoo kale soo socda xafladii qalinjebinta ardeyda jaamacada haregeisa.waxa kale oo aad magaalada ku arki kartaa xayeysiiyo badan oo qaar ka mid ah jaaamacadaha wadanka ka dhisan loo sameyeey,Radio ama sidoo kale wargeyska ayaad ka heli kartaa ama ka dhageysan kartaa ogeysiis laga soo daayo ama qorto oo tilmaamaya jaamacadu kuliyadaha ay bixiyo,muddada lagu jiri doono,nidaamka is diiwangelinta iwm.waxa kale oo la qabtaa si gaar gaar ah xaflado sagootin ama soo dhaweyn ay dugsiyadu u qabtaan ardeyda dugsiga sare dhammeysey ama kaalmaha sare gashay,sidoo kale jaamacadaha qaarkood ayaa iyaguna xaflado soo dhaweyn ama dhiirigelin u sameeya ardeyda ay ku tartamayaan sidii ay u qoran lahayeen.dad badan ayaa jaamacada hargeisa niyada ku qabta marka ay dugsiga sare dhammeyaan ama iyada gala inkasta oo nidaamka kala horeynta A,B,C,D,etc la tixgeliyo marka ardeyda la qoranaayo.

 

mar waxaad is odhan kartaa ardeyda soo baxeysa ayaa ka badan jaamacadaha wadanka oo wey u qeybsami karaan,marna waxaad is odhaneysaa jaamacadaha ayaa ka badan ardeyda sanadkii soo baxda markaa waa la isku eryanayaa in mar kasta la helo tiro ardey ah oo badan.ardeygu jaamacada dhawaansho ayuu ku dooran karaa,sidoo kale saaxibadii oo kula taliya ama wada gala ayuu ku dooran karaa,waalidka oo kula taliya ayuu ku dooran karaa,deeq waxbarasho bilaash ah ayuu ku dooran karaa,magac weynida ayuu ku dooran karaa,sidoo kale heerkiisa waxbarasho  sida A+,A,ayuu ku dooran karaa,shaahadada la aqoonsan yahay ayuu ku dooran karaa,qiimaha jaban ayuu ku dooran karaa,dawlada oo jaamacada leh ayuu ku dooran karaa,magaca jaamacadu suuqa ama wadanka ay ku leedahay ama shaqooyinka ayuu ku dooran karaa,Maadada oo doonayo oo ay bixiso ayuu ku dooran karaa,reerkooda oo leh ayuu ku dooran karaa,fursado dibada ah oo laga heli karo ayuu ku dooran karaa etc.waxa aynu odhan karaa 70% ardeyda soo baxdaa waxa ay si toos ah ugu biiraan sanadkasta jaamacada hargeisa halka 30% ka mid ahi ay kala qeybsadaan jaamacadaha gaarka loo leeyahay iyada oo iyaguna ay sii kala mudan yihiin ama ay sii kala caansan yihiin.

 

ardey badan ayaan sanadkan awoodin in ay jaamacad galaan inkasta oo ay niyada ku hayaan haddana dhaqaale iyo lacag uma hayaan ay iskaga bixiyaan waaney hadhi doonaan,ardeyda qaar waxa laga yaaba in sanadka danbe ay bilaaban marka ay wax isku soo uruursadaan,ardeyda qaarkoodna waxa suurta gal ah in ay jaamacad dibadaha ah u bixi doonaan.dadka qaar marka wakhtigu ka lumo ee ay sanad suuqa iska joogaan iyaga oo leh waan nasaneynaa ayey mar danbe dib u bilaabaan jaamacadaha.runtii dhaliil badani wey jirtaa marka laga hadlaayo xagga tayada wadanka waxbarashadiisa waxaan xaqiiqo ah in wax badani oo khaldani ay ku jiraan nidaamka waxbarashadu ku socoto oo xita mararka qaar sima qof shahaado heysta iyo mid aan heysanin laakin maanta qoraalkeygu arintaasi kuma saabsana.

 

waxaan jecelahay in aan tilmamo niyad samida iyo diyaargarowga ka muuqda ardey badan oo sanadkan jaamacadaha wadanka geleysa ama dibadaha ugu baxeysa kuwaasi oo mar kale bilaabaya socdaal dheer oo aqooneed oo 4 sano ama 3 iyo inka badanba ku qaadan kara si ay uga soo qalin jebiyaan jaamacad.wakhtigu sidaasi ayuu u cararayaa haddii aad la yaabi jirtey dadka jaamacada dhigta maanta ayaad adiguna geleysaa,haddaad ku hamiyi jirtey waatan fursadii ee ka faa,ideyso.xiisaha jaamacada,aqoonta iyo macalimiinta jaamacada,fasalada jaamacada,tegida jaamacada,iwm ayaa ardey badan ka sii dhex guuxaya.maalin qudha jari maayo,waa in aan ugu sareeyaa,buugaagta jaamacada waa in aan wada iibsadaa,akhlaaqadii heer jaamici waa in aan yeesha,ardey badan oo dugsiyo kala duwan ka soo baxday ayaad isku baraneysaan oo aad jaamacada isugu imaneysaa,dugsigii sare ardeydiisii waad kala tageysaan.waxaad ku farxi doontaa in aad ku biirtay kuliyad ama aad College wax ka dhigato.waxaad xiiseyn doontaa in aad ka qeyb qaadato dhammaan barnaamijyada kala duwan ee la idin soo bandhigo.waxbarasho xoriyad badan la siiyo ardeyga oo uu isagu inta badan is maamulo ayaad jaamacada ka heli doontaa.barxad weyn oo la iskugu soo wada dareero oo qofkastaaba jaamacada wax ka dhigto ayaad arki doonta.

 

ardeyda jaamacada kaaga soo horeysey waa SENIORS ardeyga jaamaacada ku cusubin waa FRESH STUDENTS.Fresh macnaheedu ma waxa ay tahay in ardeygu waxbarashada oo dhan uu ku cusub yahay,mise waxa ay tilmaameysaa in ardeygu soo galay ama uu hadda bilaabay waxbarashadii noloshiisa si rasmi ah wax uga badali laheyd markaa sidaasi ayuu Fresh u yahay.mararka qaar xiisadaha iyo waxbarashada jaamacada waxa ku jira Fun badan.jaamacada waxaad ka heli macalimiin ka fur,furan kana aqoon badan kuwii hore wax kuugu soo dhigi jirey,waxaad geli wakhti mashquul ah oo xitaa mararka qaar marka assignmets laga rabo aanad habeenka Tv-ga iska daawan karin.mararka qaar xitaa waxaad is baraneysaa oo aad isku xidhmeysaan ardey jaamacadaha kale jira oo adiga kula mid ah xagga maadada.Facebook ardeyda jaamacada haddii ay wadaleeyihiin waad ugu biiri doontaa iyaduna.

 

waxa ku sugaaya la shaqeynta koox,hogaaminta koox,sidoo kale ardeyda jaamacada oo nidaam hoosaad leh qofna iska soo dhex doorta arntaasi oo keenta in ardeydu ay is wacyi geliyaan wixii xuna ay iska qabtaan xaqoodana ay ku raadsadaan sidoo kale wakhtiga xafladaha ama dabaaldega ayaa koox weliba kaalinteeda ka soo baxeysaa.

imtixaanada jaamacada oo ka duwan kuwii hore,siyaabo kala duwan lagu qiimeeyo,lagu dhaco,in badan ku daba jiitama ayaad ku arki doontaa,waxaana xaqiiqo ah in darajada sareysa ee ardeygu ay ka qeyb qaadan karto dhinaca shaqooyinka mustaqbalka ama fursadaha soo bixi doona.

 

ardeyda qaar markii ay dugsiga sare ku jireen wey sii lugeyn jireen bas may raaci jiren,ardeyda qaarkoodna bas ayaa qaadi jirey,waxa suurta gal ah in aad jaamacada ku tagto bas mararka qaar laga yaabo in ay koonaha magaalada ku taalo,xiisaha kaftanka ardeyda ama sidoo kale baska xaafada u soo soconaaya 30 mnt in aad saarnaato ayaa ku sugeysa.mararka qaar baska waxa idinla soo raacaya ardey idinka sareysa oo aad halkaasi isku baran kartaan.ardeyda qaar waxa ay ku dul tashanayaan inta ay ku soo jiraan baska dhexdiisa wax kasta oo ay beri qaban doonaan ayey ku heshiinayaan inta ayna kala tegin.3 sano ee jaamacada waa in lagugu bartaa,akhlaaq,wakhti ilaalin,wada shaqeyn fiican,darajo sare xagga imtixaanka arimahaasi oo dhammi waxa ay kaa caawin doonaan mustaqabalka shaqo.

 

 

ugu danbeyntii waxaan ku soo koobi doonaa xiisaha sanadka hore ee jaamacada loo qabo ama ardeyga ku jiraa waa mid xoogan,lagana dareemi karo,hase ahaate waxa laga yaaba in ardeygu sanadaha danbe niyad jabo,arintaasi oo ay keento isaga oo ka niyad jaba habka xiisadaha loo bixiyo,macalimiinta oo uu ku qanci waayo,nidaamka jaamacada oo marka danbe aad saluugto,isaga oo daala ama wax kale ay ku soo kordhaan ayaa keena in xitaa ardeygu xiisadaha soo xaadiri waayo.waxaana meesha ku jirta in dad badan oo shaqeeyaa inta ay galaan jaamacadaha marka danbe ay la silcaan iskaga hadha ama xidha,sidoo kale dadyow iska xiseya ama lacago iska heysta ayaa geli kara oo ka bixi kara,dadka qaarna duruufo ayaa jaamacada ka reeba,dadka qaarna bedel ayey xitaa helaan meelaha qaarkood.sidaa daradeed marna ha ilaawin awoodii kugu jirtay sanadka koowaad. First Year.

 

 

Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

 

 

 

Share