Xildhibaanada ka soo jeeda Jubbada Hoose oo soo dhaweeyey Hadalkii Madaxweynaha

Muqdisho ( Sh.M.Network ) -- Xildhibaanadan oo ah kuwa ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay soo dhaweeyeen hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ee Ahaa in Dadka ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ay la yimaadaan Maamul ay ku mideesan yihiin .
Xildhibaan Cabdulaahi Shaacir oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeda Gobolada Jubooyinka ayaa soo dhaweeyey Hadalka madaxweynaha isagoo dhankiisa ku booriyey Shacabka Jubbooyinka in ay ka shaqeeyaan Nabad iyo Sidii loo Dhisi Lahaa Maamul ay raali akw ada yihiin Dadka Kasoo Jeeda Jubbooyinka .
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamud oo isna ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Gobolkaasi Jubbada Hoose ayaa sheegey in Arimaha Ka taagan Goblkaasi ay yihiin kuwa xasaasi ah isla markaasna ay dad gaar ah islaheysiiyeen Waxa uuna Dowladda ugu baaqey in ay soo fara galiso Arimaha ka taagan Goblkaasi .
Tan iyo markii Maleeshiyada uu hogaamiyo Axmed Islaam Axmed madoobe ee taageerada ka helaya Ciidanka Kenya ay la wareegeen Xarunta Jubbada hoose ee kismaayo Waxay ka wadeen dhibaato ay ku hayaan Shacabka ku dhaqan Magaaladaasi iyadoo dhawaan ay u diideen in ay galaan Magaaladaasi Wafdi balaaran oo ka socdey Dowladda Soomaaliya , Amisom iyo qaramada midoobey

PdateM: 

2012-11-16 07:43:08 +0100